Monday, November 9, 2026
Dowladda Masar ayaa sheegtay inay kamid tahay waddamada ansixiyay Qaraarka Golaha Ammaanka ee meesha looga saaray cunaqabateynta hubka ee saarnayd Soomaaliya tan iyo 1992-kii. Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa soo saartay bayaan ay ku qiratay in qaraarkan uu muujinayo horumar la taaban karo oo dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dagaalka...
Kooxo hubeysan oo ah burcad u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa Xalay Magaalada Rustenburg ee dalkaas ku dilay laba ka mid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u shaqa tagay dalka Koonfur Afrika. Allaha u naxariiste laba muwaadin ee Xalay burcada ku dishay goobtooda ganacsi ayaa kala ahaa wiil iyo abtiis oo...
Ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha ciidanka difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawiisleeyda Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta fagaare ku yaala duuleedka degmada Halgan ee gobolka Hiiraan kula hadlay boqolaal ciidamo cusub oo Macawiisleey ah oo ka qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Hoggaamiyaha ciidanka difaaca dadweynaha ahna madaxweynaha...
Hay'adda samafalka Hormuud Salaam Foundation ayaa ๐‡๐š๐ฅ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ฅ๐ฅ๐š๐ซ ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadaha ka dhacay qaar ka mid ah Gobollada Dalka. Waa gargaarkii ugu ballaarnaa ee ay bixiso hay'ad waddani ah. Iyadoo horey Hormuud Salaam Foundation ay gacanta uga geysteen abaarihii ugu dambeeyay...
Iyadoo saacadahii lasoo dhaafay hoos u dhac laga dareemay biyaha wabiga Shabeelle oo bishii hore bilaawgeedii ku fatahay xaafadaha Baledweyne ayaa maamulka gobolka Hiiraan waxa uu soo saaray maanta amaro cusub. Maamulka gobolka Hiiraan ayaa soo saaray amaro uu sheegay in lagu ilaalinayo badqabka wadada laamiga ah ee gudaha magaalada...
ย Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay gobolka Baay. Howlgalka lagu dilay horjoogahaan oo lagu magacaabi jiray Xuseen Caddoow Jilib gaab oo Al-shabaab u qaablisanaa baada shacabka ku nool gobalada Baay, Bakool iyo Gedo ayaa ka...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn Xalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, taasoo la sheegay iney fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn. Ila wareedyo ku sugan gudaha degmada Jilib ayaa warbaahinta u sheegay in marqura ay maqleen fiidnimadii hore ee xalay dhawaqa laba jug oo aad...
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Saciid Faarax Juxa, oo guddoomiye u ah guddi uu madaxweyne Deni u magacaabay inay wada xaajood la yeesheen siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa sheegay in aanay waxba ka suurto galin wada hadalada labada dhinac. Wasiir Juxa ayaa ku eedeeyay kooxaha mucaaradku inay ka cago jiideen inay la...
Hoggoomiyaha ciidamada difaaca dadweynaha ahna madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Cismaan ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalo culus oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay qeyba ka mid ah gobolka Hiiraan. Hoggaamiye Cali Jeyte ayaa sheegay in howlgaladii Shalay dhacay lagu xureeyay deegaano badan oo ku yaala jiinka...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa howgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada maalintii labaad deegaano hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan. Howlgaladaan ayaa waxaa hoggaaminaya Ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan ciidanka difaaca dadweynaha Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka...