Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay khasaraaha ka dhashay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay meelo ka mid ah maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland.
Warsaxafadeed ay soo saartay Wasaaradda ayay ku sheegtay in howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay qaar ka mid ah gobolada dalka...
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa soo xiray eedeysane baxsad ah oo lagu magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullaahi.
Eedeysanahaan ayaa loo haystaa sida uu booliisku sheegay, in uu dilay Maxamed Xasan dilkaas oo ka dhacay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
War qoraal ah oo kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in eedeysanaha...
Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia Cabdullaahi Maxamed Warfaa, ayaa billadda ODA AWARD guddoonsiiyey Maareeye ku-xigeenka Hay’adda murtida iyo Madadaalada qaranka, Maki Xaaji Banaadir oo safar shaqo ku jooga Ethiopia.
ODA AWARD waa abaal-marin la siiyo dalalka Geeska Afrika iyo hay’adaha caalamiga ah ee horumarka la taaban karo ka sameeyey dhinacyada dhaqanka,...
Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kamid ah Isimmada dhaqanka ee Puntland ayaa ku baaqay in la ay isugu yimaado shir degdega ah oo looga tashanayo aayaha Puntland.
Boqor Burhaan ayaa sheegay inuu ixtiraamayo soona dhoweeyay go’aanka ay qaateen isimmadda SSC- Khaatumo, wuxuuna sheegay in go’aankooda uusan wax dhibaato ah u...
Golaha sare ee dhaqanka SSC- Khaatumo ayaa ku dhawaaqay in aysan wax xildhibaano ah u dirsan doonin maamulka Puntland, sidoo kale, kuwii horey u joogayna aysan u cusboonaysiin doonin inay kusoo laabtaan kuraastooda.
Golaha dhaqanka SSC ayaa sidoo kale sheegay in aysan jiridoonin cid kasoo jeeda SSC- Khaatumo oo iskusoo...
Waxaa maanta dalka dib loogu soo celiyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsi ku yaala magaalada Moscow ee dalka Ruushka.
Muwaadiniintaan ayaa tiro ahaan gaarayay 16 muwaadin oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa mudo ku xirnaa xabsi ku yaala dalkaasi Ruushka, kuwaas oo la xiray iyagoo tahriib ahaa.
Qaar ka...
Xildhibaannada labada aqalka ee kasoo jeeda degaannada SSC- Khaatumo, ayaa ku eedeeyay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Michael Nithavrianakis, inuu faragelin ku hayo oo uu ka soo horjeedo rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo.
Bayaan ay soo saareen xildhibaannadan ayaa waxay dowladda federaalka ugu baaqeen in dib u eegis dhamaystiran lagu sameeyo dhaqdhaqaaqyadii dublamaasiyadeed...
Doon ayaa lagu af-duubtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, taasoo keentay qeylo dhaan ku saabsan dib u soo cusboonaanta burcad-badeedda Soomaalida kaddib ku dhawaad toban sano oo xasillooni ah.
Hay’adda Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa sheegtay in doon ganacsi ay dad aad u hubeysan ku qabteen meel u...
Madaxweynihii hore ee Dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ( Cabdi Iley) ayaa sheegay in markhaatiyadii isaga difaacayay ay Booliska Addis Ababa ugaysteen jidh dil iyo xarig, sida uu Cabdi Iley uu ka hor sheegay Maxkamadda.
Cabdi Iley waxa uu sheegay in saddex maalmood ee u dambaysay xadhig iyo jidh...
Wararka dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare badan geystay oo ka dhacay deegaanka Aboodin oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalka oo dhacay galinkii dambe ee Shalay ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dowlad goboleedka Jubbaland oo taageero dhanka cirka ah ka helaya saaxiibada Caalamiga ah iyo...


















