Sunday, November 8, 2026
Liiska xubnaha Baarlamaanka cusub ee Puntland ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay, waxaana ku jira 17-ka xubnood ee kasoo jeeda degaanada SSC- Khaatumo. Liiska baarlamaanka ayaa lagu dhawaaqay xilli dambe oo salaaddii subax kadib ahayd, ka dib khilaaf badan oo hareeyeeyay habka loosoo xulay xubnaha oo uu  khilaaf ka taagnaa. Lama...
Musharaxiinta madaxweynaha maamulka Puntland, kuwaas oo caawa warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe, ayaa digniin adag ka bixiyay waxay ugu yeereen boob uu madaxweyne Deni ku hayo kuraasta baarlamaanka ee beeluhu ay leeyihiin. Musharaxiin uu kamid yahay madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in madaxweyne Deni  uu...
Dowladda Soomaaliya ayaa caawa shaacisay magacyada labo horjooge oo katirsanaa Alshabaab oo lagu dilay duqaymo ka dhacay Mudug iyo Shabeellaha Hoose. War saxaafadeed dowladda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in duqaymahan lagu dilay laba horjooge oo lagu kala magacaabo Cumaraani Malaaq iyo Saabir. Howlgalka hore ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo...
Inta la xaqiijiyay ilaa 11 ruux oo dhamaantood ah Caruur ayaa u geeriyootay Cudurka Shuban biyoodka oo ka dilaacay xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Isbitaalada kala duwan ee ku yaala magaalada Baledweyne ayaa waxaa jiifa Caruur badan oo uu soo ritay Cudurkaan Shuban biyoodka ah, kuwaas oo haatan...
Taliyaha ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ka socda Midowga Afrika ee ATMIS Sam Okiding ayaa si faahfaahsan uga hadlay qorshaha ciidanka ATMIS ee sanadka cusub ee 2024-ka oo ay ka dhiman tahay saacado kooban kaliya. Sam Okiding ayaa sheegay in mudnaanta ciidanka ATMIS ee sanadka 2024 iney tahay...
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo dhoweeyay go’aankii isimmada SSC- Khaatumo, kaasoo ahaa in aysan soo xuli doonin 17- ka xidhibaan ee ku matali jiray baarlamaanka Puntland. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay inuu taageersan yahay in doorashada madaxtinimada Puntland lagu galo 49 xildhibaan, wuxuuna caddeeyay in uusan...
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay in shirka Jabuuti uu u muuqdo mid midaynaya Somaliland iyo Soomaaliya. Firdhiye oo goob fagaare ah dadweyne kala hadlay, ayaa sheegay in uu rajo ka qabo in shirka Jabuuti uu fure u noqday in Somaliland iyo Soomaaliya dib u midoobaan. "Shirka waxan...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in bilaawga sanadka cusub ee 2024 oo ay ka harsan tahay hal maalin oo kaliya in la qaadi doono inta badan dhagaxyada amni ahaan ugu xiran wadooyinka magaalada Muqdisho. Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkaan kaga dhawaaqay kulan lagu...
30 kamid ah Isimmada Puntland oo xalay Garowe ku shiray, ayaa soo saaray go’aan ku saabsan in la ixtiraamo go’aankii Isimmadda SSC- Khaatumo ay ku gaareen in aanay qeyb ka ahaan xulista xildhibaannada Puntland. Isimmada oo uu shir guddoominayay boqor Burhaan Boqor Muuse, ayaa go’aamiyay in doorashada Puntland lagu 49...
Dowlada Ingiriiska ayaa soo dhawaysay qodobadii kasoo baxay wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee Jabuuti. Qoraal lagu baahiyay barta X ee Safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Ingiriisku uu soo dhawaynayo heshiiska, labada dhinac, iyada oo uu ku tilmaamay talaabo muhiim ah oo xaga dib u heshiisiinta loo qaaday. "Waxaan...