Tuesday, August 11, 2026
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa ka qeyb galay munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaaladda Muqdisho, taasoo lagu lagu saxiixayay heshiiska dhismaha Dekadda Hobyo. Waxaa sidoo kale munaasabadda ka qeyb galay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo...
Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo warbaahinta la hadlay kadib markii todobaad kii hore xabsiga Madheera laga soo daayay, ayaa sheegay in xadhigiisa looga dan lahaa in qalalaase laga rido gobolka Awdal. Waxa uu sheegay in aanu jirin danbi uu galay oo uu xadhig ku mutaysan karay, lakiin xadhigiisu uu ahaa...
Taye Atskeselasse oo hore u soo qabtay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, ayaa maanta oo Isniin ah waxaa loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Itoobiya. Taye ayaa xilkan loo magacaabay kaddib kulan ay isugu yimaadeen Golaha Shacabka iyo Golaha Federaalka ee Itoobiya, isagoo xilka kala wareegay Madaxweynihii hore ee dalka...
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa Saakay dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaddib markii lagu guuldareystay dadaaladii la doonayay in lagu qanciyo Axmed Madoobe si uu uga tanaasulo qodobadii uu hordhigay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka. Sababaha madaxweyne Axmed Madoobe uu uga baxay Madasha...
Soomaaliya ayaa ku eedeysay Itoobiya in ay jabisay qodobbadii kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ku gudubtay howlihii loo igmaday ee ahaa in ay xubin ka tahay ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS. Axmed Macalin Fiqi Axmed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa eedeymahaasi ka soo jeediyay shir...
Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sharaxaad ka bixiyay kulamo uu la qaatay Wasiiradda dhigiisa ee dalalka Masar iyo Eretariya. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in kulamadii uu la qaatay Wasiirada arrimaha Dibadda Masar iyo Eretariya iney uga wada hadleen xadgudubka dowladda Itoobiya kula kacday madax...
Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Jubbaland, Maxamed Xasan Xiis ayaa ku eedeeyay madaxtooyada Soomaaliya inay dhaqaale ku bixisay sidii dayaacad iyo cay saxaafadda loogu marin lahaa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe. Maxamed Xasan Xiis ayaa soo xigtay qoraal uu sheegay in uu saxaafadda u diray agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdiqaadir Cali Dige, kaasoo...
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay, in dadka Soomaaliyeed oo tobanaan sano lala xiriirinayay colaado, xasillooni darro iyo gaajo, ay gali doonaan horumar dhaqaale, barwaaqo iyo nabad ka dib marka uu Turkigu ku guulaysto inuu shidaal kasoo saaro xeebaha Soomaaliya. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in markabka cilmi baarista...
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan uu bilaaban doono howlgalka cusub ee badalaya ATMIS. Wuxuu sheegay Wasiir Jaamac in howgalka cusub ee loogu magac daray AUSSOM aysan ka mid noqon doonin ciidamada Itoobiya, hadii ay Itoobiya ka noqon weyso heshiiskii ay...
Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa 30-aad, waxaana shir guddoominayay kulanka guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo uu wehlinaayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow. Kulanka oo ku furmay 151 mudane ayaa ugu horeyn waxaa Golaha Shacabka...