Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si weyn u boggaadiyay ciidamada ka tirsan Jubbaland ee maalmahii ugu dambeeyay kusoo biiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Raas kambooni ee gobolka Jubbadda Hoose.
Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay in u jeedka loo geeyay ciidanka xoogga dalka...
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uu qaadi doono masuuliyadda ka dhalata isku dhac dhexmara ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan Jubbada Hoose.
Wasiir Cabdiqaadir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku xoojisay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ciidamo gaaraya kun askari,...
Senator Maxamed Cali Yuusuf oo loo yaqaan Gaagaaab oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta ku geeriyooday dalka Turkiga sida ay xaqiijiyeen ehelada marxuumka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo xildhibaano uu lasoo shaqeeyay.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku xigeennada Aqalka Sare,...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley, iyo Taliyaha Taliska Isku-dhafka Ciidamada ee Geeska Afrika (CJTF-HOA), Jeneraal Brian Cashman, oo ay weheliyeen masuuliyiin kale oo Mareykan ah.
Madaxweynaha ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey xubnaha weftiga Mareykanka iskaashiga iyo wada shaqaynta dhinacyada amniga Geeska...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo ay wehliyaan masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay in heshiis xabad joojin ah kala dhex dhigaan laba maleeshiyo beeleed oo dhawaan ku dagaalamay xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Odayaasha iyo Waxgaradka beelaha Xawaadle iyo Abgaal ayaa aqbalay heshiiska...
Degmada Daaru-Salaam ee Gobolka Banaadir oo Gudoomiye ku Xigeenkii Arrimaha Bulshada Laga Dhaawacey.
Koox hubeysan ayaa weerar xooggan ku qaaday xarun jir dhis oo ku taala Degmada Heliwaa, waxaana weerarkaas lagu dhaawacay Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada ee Degmada Daaru Salaam Guure Maxamed Xirsi oo howl Jimicsi fiisiyo tarbiya loogu sameenayay, waxaana kooxda sidoo kale ay ku dileen qofkii Milkiilaha ahaa Goobtaasi.
Dhacdadan...
Danjiraha Soomaaliya ee dalka Tanzania, Ilyaas Cali Xasan ayaa ku celiyay mowqifka dowladda ee damaca Itoobiya ee heshiiskii ay Somaliland horaantii sanadkaan kula gashay magaalada Addis Ababa si Itoobiya ay u hesho Marin badeed iyo saldhig military.
"Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa dadaallada madaxda gobolka ee ku aaddan ilaalinta nabadda, amniga,...
Warsaxafadeed kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay ineysan jirin ciidan kasoo goostay Jubbaland oo isku dhiibay kuwa dowladda Fedaraalka Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Raas kambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
Jubbaland ayaa sheegtay in ciidanka lagu soo bandhigay Raas kambooni iney yihiin ciidankii dhawaan dowladda Fedaraalka ay diyaaradaha ku...
Madaxweynaha Kenya, ayaa sheegay isaga iyo Madaxweynaha Uganda inay ka wada shaqaynayaan sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen horaantii sanadkan bishii January.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay in aysan la...
Waxaa maanta markale ku biiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Raas kambooni ee gobolka Jubbada Hoose ciidamo badan oo ka tirsana kuwa maamul goboleedka Jubbaland.
Ciidamadaan ka tirsana Jubbaland ee maanta ku biiray kuwa xoogga dalka ayaa deegaanka Raas Kambooni ku gaaray ilaa afar doomood, waxaana soo...


















