Saturday, August 8, 2026
Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay jariidada New York Times. Jariidada waxa ay shaaca ka qaaday in Sharciga cusub ee soo gelitaanka Mareykanka ay saameyn doonta...
Dowladda Maraykanka iyo Somaliland ayaa ka wadahadlay arrinta aqoonsiga, iyada oo la filayo in maamulka Trump uu aqoonsi siiyo Somaliland, sida uu qoray wargeyska Financial Times. Wargayska ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan dowladda Maraykanka ay ka warbixiyeen bilowga wadahadallo ku saabsan heshiis uu Maraykanku ku aqoonsanayo Somaliland, isaga oo...
Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal ka dhex qarxo wakhti kasta. Kadib heshiiskii labada dal ay ka gaadheen colaaddii muddada badan dhex taalay sanadkii 2018, ciidamada...
War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay ka dhacday deegaanka Boos-Hareeri ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Warka ayaa intaasi ku daray in Howlgalka Duqeyn lagu bartilmaameysaday xubno ka...
Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay Qudus ku qabteen wasiirrada arrimaha dibadda ee Israa’iil iyo Itoobiya, Gideon Sa’ar iyo Gedion Timotheos, ayuu Sa’ar sheegay inuu xidhiidh...
Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu sheegay in dadaal ay sameeyeen ciidanku ugu dambeyn lagu guuleystay in eedeysanaha gacanta lagu soo dhigo. “Ciidanka Booliiska JSL ayaa hawlgal...
Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda Tobobaadlaha ah ayaa kaga wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga guud ee dalka, iyagoona ansixiyay heshiisyo Xukuumadda lasoo gashay dalka Azerbajin. Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa ugu horeyn kulankooda maanta ku meel mariyay  heshiis is afgarad oo...
Puntland ayaa sheegtay inay dishay madaxii kooxda Daacish u qaabilsanaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee qaraxyada xambaara, kuwaas oo marar badan weerarro ku qaaday ciidamada Puntland ee ku sugan buuraha Calmiskaad. Sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska howlgalka Hillaac, ninkan oo ahaa ajnabi ayaa lagu dilay howlgal ay...
Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ku-meel-gaadhka ah ee Tigray, Lt. Gen. Tsadkan Gebretensae, ayaa ka digay ifafaale colaadeed oo ka taagan xadka labada...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka oo weerar qorsheysnaa ku qaaday fariisimo kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaanka Biya cadle. Saraakiil...