Munaasabad si weyn loo soo agaasimey oo ay soo diyaariyeen TVga HORN CABLE ayna kasoo qeyb galeen masuuliyiin ka socotey TVga horn cable,wasiiro,xildhibaano,madaxda xisbiyada siyaasada dalka,ururada bulshada rayidka ah,haween,dhaliyaro iyo saxafiyiinta dalka taas oo lagu xusayey sanadkii afraad ayaa muqdisho ka dhacdey.
Munaasabada oo ay sidoo kale kasoo qeyb galeen...
SHir ay galabta yeesheen xubno ka tirsan Xisbiga midnimadda jamhuuriga soomaaliyeed iyo xubno ka socdey xisbiyo kale ayaa looga doodey Ganacsiga soomaaliya oo lagu sheego in uu yahey mid xor ah balse xaqiiqdu taas ka fogtahey.
Gudoomiye ku xigeenka xisbiga minimadda jamhuuriga soomaaliyeed ahna kusimaha gudoomiyaha xmjs Cali Maxamed Nuux...
Danjiraha Dowladda Britain u joogta Somalia, Harriet Mathews ayaa maanta ku wareejisay gaadiid dagaal wasaarada difaaca Soomaaliya, iyadoo gaadiidkan uu kala wareegay wasiirka difaaca Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini.
Xafladda wareejinta gadiidka oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa wuxuu ka sheegay Jen. Diini inuu ku faraxsan yahay taageeradaan gaadiid,...
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Farkeeti ayaa maanta u soo xiray aqoon-is-weydaarsi laba todobaad u socotay ciidamada ilaalada canshuuraha iyo shaqaalaha wasaaradda maaliyadda ee ka howlgala canshuuraha barriga.
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa ujeeddadiisu ahayd in lagu barto wada-shaqynta ka dhaxaysa qaybaha kala duwna ee ku howlan ururinta canshuuraha dalka, taasoo laf-dhabar ku...
Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay in ka badan 10-ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray qarax ka dhacay maanta duhurkii waddada Maka Al-mukarama ee Muqdisho, iyadoo la sheegay in qaraxan ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay waddada dhinaceeda.
Wararka ayaa sheegaya...
Askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ayaa ku geeriyooday maanta deegaanka Tre-disho ee duleedka Muqdisho, kaddib markii mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ay iscimaalaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM uu jiiray.
Wararka ayaa intaas ku daraya in askarigan dhintay uu ka dhacay gaari ay ka mid ah kuwa...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay Muqdisho wakiilka ururka Midowga Afrika ee arrimaha Somalia, danjire Francisco Caetano Jose Madeira.
Xasan Sheekh iyo Francisco Caetano ayaa ka wadahadlay hawlaha AMISOM ee Somalia, guulaha la gaaray, caqabadaha u baahan in laga gudbo iyo in la xoojiyo xiriirka iyo...
ALLAHA u raxmadee taliyihii ciidanka Birmadka Somaliland Aadan Guuleed Daahir ayaa maanta waxaa toogasho ku dilay askari ka tirsanaa ciidankiisa, kaddib markii taliyuhu amar uu siiyay u hoggaansami waayey, uuna ku furay taliyihiisa rasaas sababtay dhimashadiisa.
Askariga oo aan la garanayn sababta uu rasaasta ugu furay taliyahiisa, ayaa waxay...
Ismaaciil Cumar Geele m/weynaha dalka Jabuuti oo mucaaradka ku eedeeyey in ay dalka fawdo ku wadaan.
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku eedeeyay mucaaradka dalkiisa inay dalka u horseedayaan fowdo, isagoo difaacay go’aanka uu mar afaraad isku sharaxayo hoggaanka dalkiisa.
Geelle oo maanta BBC-da la hadlay ayaa sheegay in mucaaradka dalkiisa inay doonayaan inay ku dhaqmaan sida mucaaradka kale ee dunida, taasoo ah inay kiciyaan...
Wafdiga dowladda Somalia ee ku sugan degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer ku tagay goobihii la dajiyay maleeshiyaadkii dhawaan ku diriray xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.
Wafdiga oo sidoo kale kormeerkooda ku wehlinayay waxgarad iyo odayaal dhaqameed ku howlanaa dhinacooda sidii loo joojin lahaa colaadda labada beelood,...