Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Koox hubeysan ay ku dishey xalay xaafadda Hantiwadaag Dr. Maxamed Cabdi Cali oo loo yaqiinay Dr. Gaalib, oo ahaa Agaasimaha Waaxda Arimaha Diinta ee Wasaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladd goboleedka Hirshabelle.
Wararka waxa ay intaa ku darayaan...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa weerar afka ah ku qaaday qaar kamid ah Mucaaradka Dowladda oo uu sheegay inay yihiin kuwo huwan fariimo Dowlado Shisheeye aan dooneeyn xasiloonida Soomaaliya.
Waxa uu xubnaha Mucaaradka uu ku eedeeyay inay fagaarayaasha lasoo taagan yihiin shirar jaraaid iyagoo soo gudbinaya fariimaha...
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheikh Cali Jifo-jabsade, ayaa ku eedeeyay ciidanka PSF, inay u adeeggaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ku lug leeyihiin falal sharci-darro ah oo khatar ku ah amniga Puntland.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay PSF ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ay yihiin...
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalamayaasha Al shabaab lagu jabiyay dagaalo qaraar oo saacado badan socday kana dhacay degaanada xuduudka ee Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan kadib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleeyda ay halkaasi kula dagaalameen Al shabaab.
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaaladaan ayaa ugu...
Dowladda Jabuuti ayaa bilawday xariga iyo masaafurinta muwaadiniinta Yemen iyo kuwa Soomaalida iyo dadka kale ee u dhashay Ethiopia, kadib markii ay ku xad gudbeen sharciga degenaanshaha iyo shaqada.
Tallaabooyinkan ayaa imaanaya iyadoo ay sii xumaanayso xaaladda amni iyo dhaqaale ee ka taagan wadamada muwaadiniintaan la musaafurinayo ay horey naftoodi...
Xiisad ka dhex aloosan ciidamada PSF ee Puntland iyo maamulka gobolka Mudug ayaa ka taagan magaalada Gaalkacyo, taasoo salka ku haysa howlgallo amni oo ay ciidamada PSF habeenadan ka wadeen magaalada Gaalkacyo.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali (Jifo Jabsade), ayaa sheegay in ciidamada PSF aysan ahayn ciidamo...
Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, Amb. Wang Yu, ayaa kulan la yeeshay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdikhadir Axmed Aw-Cali, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin ilaalinta midnimada qaranka, madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka...
Qaraxaan Ismiidaaminta ah oo jugtiisa si weyn looga maqlay qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa lasoo wariyay inuu fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo beegsaday xerada Damaanyo ee magaalada Muqdisho.
Ismiidaamiyaha ayaa la sheegay inuu si gaar ah u beegsaday goob ay saf ugu jireen dhalinyaro...
Wargeyska Capital FM ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray in Dowladda Kenya ay si rasmi ah u dhistay koox baaritaanno ah oo dib u eegis ku sameeya shilalka diyaaradaha Kenya ee ka dhacay Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya shantii sano ee la soo dhaafay.
Talaabadan ayaa timid kadib markii...
Warar dheeraad ayaa laga helaya dil maanta loo geystay Taliyihii guutada 26-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Salaad Xujaale.
Dilka Taliye Xujaale ayaa la sheegay inuu geystay askari ka tirsan ciidanka uu taliyaha uu ahaa, wuxuuna dilkiisa ka dhacay duuleedka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan xili...


















