Friday, August 7, 2026
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa si adag u dhaliilay gargaar hay'adda SODMA ugu talo gashay ciidanka Macawiisleeyda oo ay geysay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Guddoomiye Muuse ayaa sheegay in gargaarka SODMA soo gaarsiisay aysan aheyn midkii ay ka sugayeen dowladda, isagoona xusay in dhowr kartoon oo...
Maamulka Puntland ayaa wafdi sare u diray magaalada Gaalkacyo, halkaas oo uu ka socdo abaabul kacdoon bulsho oo looga soo horjeedo sida maamulka uusan wax uga qaban baahiyaha ka jira gobolka Mudug, gaar ahaan xayiraadda la saaray mashaariicda dowladda Federaalka u qoondeysay gobolka. Shacabka Gaalkacyo ayaa ka cabanaya in maamulka...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay xaaladda amni iyo cadaadiska saxaafadda ee la xariira caburinta xorriyadda hadalka ee ka jirta Muqdisho. Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay xarig maanta Muqdisho ugu geysatay dowladda Fedaraalka ilaa sideed Wariye,...
Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si weyn ugu amaanay ciidanka Macawiisleeyda beesha Xawaadle sida ay uga go'an tahay dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab. Agaasime Sanbaloolshe ayaa khudbad xasaasi aheyd ka jeediyay kulan ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan oo ay...
Guuleed Saalax Barre oo ah guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Puntland, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, inuu Puntland usoo kiraystay shirkado calooshood u shaqeystaal ah oo usoo saara kheyraadka Puntland. “Waxaad hadda la socotaan in si aan sharci ahayn lagula soo baxayo kheyraadkii dabiiciga ahaa ee Puntland, in...
Khilaaf ku saabsan lahaanshaha dhul ayaa ka dhex aloosan maamullada Puntland iyo SSC-Khaatumo, kaasoo salka ku haya deegaanno ku yaalla xadka ay wadaagaan labada dhinac. Maamulka Puntland ayaa shalay ciidamo u diray deegaanka Shaxda ee gobolka Karkaar, halkaas oo ay maalin ka hor tageen saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka...
Dowladda Turkiga ayaa sare u qaadaysa joogitaanka ciidankiisa ee Soomaaliya isagoo keenaya 500 oo askari oo ku takhasusay la dagaalanka argagixisada iyo hawlgalada diyaaradaha duuliyaha lahayn, taasoo jawaab u ah dhulkii ay dhowaanahan Al shabaab kala wareegeen ciidamada Dowladda. “Ciidamada Turkiga waxa ay u joogaan oo kaliya in ay ilaaliyaan...
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in sannadkan ay Somaliland hesho aqoonsi caalami ah. Wasiirka oo ku sugan dalka Maraykanka, ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Somaliland ee qurbajoogta ah iyo guud ahaan reer Somaliland inay gacmaha isqabsadaan si loo hirgeliyo riyadan. “Sannadkan ilama aha in ictiraafku...
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in Xeer-nidaamiyaha Dareera-hoosaadka Batroolka la dhaqan-gelinayo laga bilaabo 21-ka June 2025. War kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabadaan ay tahay mid lagu go’aamiyay shir muhiim ah oo qabsoomay 21-ka May 2025, Xeerkan ayaa lagu maamuli...
Ciidanka PSF ayaa ka jawaabay eedeyn culus oo uu dhawaan saxaafadda u marsiiyay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Feysal Sheikh Cali Jife-Jabsade, kaasoo ku eedeeyay inay ku howlan yihiin falal amni darro ah oo ka dhacaya  Gaalkacyo. Sarkaal ka tirsan PSF oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay, in eedeyntaasi...