Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay duqeymo culus oo ka dhacay deegaan 40 KM dhanka Waqooyiga Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo...
Xubnaha mucaaradka ku ah Dowladda ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda inuu shir uga furmo magaalada Muqdisho kaa oo ay kaga hadlayaan siyaasadda guud ee Soomaaliya.
Qaar kamid ah xubanaha Mucaaradka ayaa u xaqiijiyay warbaahinta gudaha inay maanta qabsan doonaan shirweyne ay aayaha Soomaaliya kaga tashan doonaan oo ay ugu...
Ciyaar Saaxibtinimo iyo isdhexgalka Bulshada Africa oo ka Dhacday Garoonka weyn ee Stadium Muqdisho.
Kumanaan taageereyaal ah ayaa maanta oo Talaado ah isugu soo baxay garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, si ay u daawadaan ciyaar ay kasoo muuqdeen Ciyaaryahano heer Caalami ah kana soo jeeda Qaarada Afrika.
Ciyaartaan oo ahayd mid si weyn loo wada sugaayay ayaa waxaa kasoo dhex muuqday xiddigo hore oo...
Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay in degmada Kaxda aysan kamid noqon degmooyinka laga codeeynayo, waxa uuna sheegay in shacabkeeda ay kamid yihiin canshuur bixiyaasha ugu badan ee dowladda lacag siiya.
"Waxaa nasiib darro ah hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka ah ee lagu kala soocayo...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleeyda reer Hiiraan ayaa wada dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay oo ay ku doonayaan iney Al-shabaab kaga xureeyaan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dhaqdhaqaaqyada ciidan ayaa si xoog leh looga dareenaya deegaanada hoostaga magaalada Aadan Yabaal oo mudooyinkii lasoo dhaafay ku jirta gacanta kooxda...
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa maanta oo Isniin ah soo saartay warsaxaafadeed ay ku xaqiijineyso sida ay uga go’an tahay in ay sii wadayso xiriirka iyo wada-shaqeynta kala dhaxeeya Jubbaland iyo Somaliland, iyadoo la tashaneysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qoraalka ayaa lagu adkeeyay in Kenya ay ixtiraamayso madax-bannaanida siyaasadeed, midnimada...
Garaadka Guud ee SSC Khaatumo, Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa Somaliland ugu baaqay inay nabad ama colaad mid uun qaadato, balse aanay ka talin karin dhulka SSC Khaatumo.
Waxa uu sheegay in wali aan laga helin nabad Somaliland, hase yeeshee Suldaanka Guud ee Somaliland uu nabad qaatay, maadaama, sida uu...
Hay'adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa ka jawaabtay eedeymo culus oo ka dhashay deeq daawo aheyd oo maalin ka hor SoDMA geysay degmada Moqokori.
SODMA ayaa sheegay in 24-kii bishaan ay geysay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan hal tan oo daawo ah oo isugu jirtay noocyada kala...
Maamulka badda ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa xabsiga dhigay 27 kaluumaysato Yemeni ah oo uu ku jiray hal qof oo Soomaali ah, xilli ay doontii ay wateen ay si sharci daro ah uga kalluumaysanaysay gudaha badda degaanada Puntland.
Kalluumeysatada ayaa lagu eedeeyay inay ku xad-gudbeen sharciga kalluumeysiga, waxaana Wasaaradda kalluumeysiga...
Shir ballaaran oo u dhexeeya ururrada siyaasadda ee diiwaangishan iyo Xukuumadda Federaalka ayaa si rasmi ah ufurmay, Waxaana Kasoo qeyb galay Madax sare oo ka socoto Hay'adaha kala duwan ee Dowladda oo uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasiir dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda, shirkaan...


















