Qarax Qasaaro Geestay Oo Ka Dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha Degmada Hiliwaa Ee Magaalada Muqdisho

0
548

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa xalayka dhacay Xaafada suuqa xoolaha Degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo loo adeegsaday Garneel gacanta laga tuuray ayaa lagu weeraray ciidamo ka tirsan DF oo ku sugnaa Xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada muqdisho.

Ruux ku sugnaa qaraxa halka uu ka dhacay ayaa sheegay in laba Askari oo meyd ah laga qaaday goobta qaraxa uu ka dhacay kuwo kalena ay ku dhaawacmeen oo ka agdhaweed qaraxaasi.

Weeraradaani Qaraxyada ah lagu beegsado ciidmada dowlada soomaaliya ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho oo ku soo badanayo degmooyinka gobolka Banaadir oo ay maamulaan dowlada soomaaliya.
SomaliMeMo waa Shabakad So