”Sh Abu-Muscab” Weeraradaani Waa Wadadii Ay Itoobiya Ku La’atay Kuwaana Taa Oo Kale Baa Sugeyso.

0
554

Sh. Cabdi Caziiz Abu Muscab Afhayeenka Ciidamada Shabaab Al-Mujaahidiin oo galabta Shir Jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay Dagaallo Uu Ku Sheegay Kamiin oo maalmahaanba ka dhacayay inta u dhaxaysa Groonka Ballidoogle iyo deegaanka Yaaq-bariweyne eeGobolka Sh.Hoose.

C/casiis ayaa Sidoo Kale Sheegay in tiro ku dhowr 30 askari oo Yugaandhays ah iyo Saraakiil Cadaan ah ay dagaalkaas ku dileen ku dhawaad 50 kalena Ay ku dhaawaceen

Sh.Abu-muscab Oo Sii Hadlayay Ayaa Xusay In 5 gaadiid ah oo uu Taagi ku jiro ka gubeen Dowladaha Ay Kula Dagaalameen Deeganadaasi Islamarkaana uu Qeexay In Ay 5 maalmood Ay awoodi weysanyahiin in Ay dhaafaan meel 20km u jirta Balidoogle oo ah halkii ay ka duuleen Doladaha Caawinaya Soomaaliya.

Abu Muscab ayaa Waxa Uu Kaloo sheegay in Dagaalyahanada Shabaabul-Mujaahidiin ay Wacad ku mareen in Cadawga Waxa Uu Ku Sheegay Ee kuso duulay Diinta, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed ay dagaalka kusi xoojin doonaan isagoona tilmaamay in wadada hada ay Mujaahidiintu ku baacsanayaan Dowladahaasi ay tahay wadadii ay Xabashidii Itoobiya ku wiiqantay kuwaana ay halkiiyoo kale mari doonaan Sida Uu Sheegay Afahayeenka Dagaalyahanada Shabaab Sh Abuu Muscab.

Sh. abu-muscab Hadalkaani Ka Soo Yeeray ayaa kusoo beegmaya xilli Shantii Maalmood ee ugu dambaysay ay Dagaallo xiriir ah ay ka dhacayeen Duleedka Balidoogle Kaa Oo U Dhexeeyey Al-shabaab Iyo Dowlado Badan Oo Caawinaya Dowlada Taakta Daran Ee Soomaaliya Soomaaliya habka.