Madaxweynaha xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed c/nuur axmed darmaan oo dalka kusoo laabtey.

0
555

Madaxweynaha xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed c/nuur axmed darmaan oo ka mid ahaa musharaxiintii u taagnaa xilka m/weynaha soomaaliya balse tanasuley isagoon tartan gelin ayaa maanta dalka kusoo laabtey,kadib markii uu si lama filaana ugu baxey xanuun soo wajahey allaha u naxariistee aabihii oo dhawaan ku geeryoodey dalka mareykanka.

C/nuur darmaan ayaa waxaa imaanshihiisa noo xaqiijiyey kusimihiisa ahna gud.kuxigenka xmjs cali maxamed nuux timajilic,ma jiro wax war ah oo uu warbaahinta siiyey m/weyne darmaan balse waxaa la filayaa in uu maalmaha soo socda uu warbaahinta la hadlo.

C/nuur darmaan oo ah ninkii ugu horeeyey ee dalka soomaaliya 15 sano ka hor ka furey dalka soomaaliya xisbi siyaasi ah oo aan hubeysneyn,xubnaha xisbigiisuna ay u aqoonsan yihiin halyey aad ujecel nabada iyo iskaashiga bulshada,isla markaana uu mudanyahey in qiimeyn iyo qadarin,mar hadii maanta la gaarey hamigii 15 sano ka hor uu ku hamiyey kaas oo la gaarey uuna maanta m/weyne ka yahey dalka gud.xisbiga nabada iyo horumarka prof. Xasan shekh maxamud,halka baarlamaanka uu hugaaminayo maxamed shekh cusmaan jawaari ra’iisalwasaarena cabdi faarax shirdoon.

M/weyne darmaan ayaa ah nin degen magaalida muqdisho oo aan aheyn qurbajoog xisbiga uu hugaamiyaana wuxuu ka hawlgalaa 11 gobol oo dalka somaaliya ah iyo degmooyinka ay ka koobanyihiin.