Kooxo Ku Hubeysan Biskoolado Ayaa Saaka aroortii Toogasho Waxay U Geesteen gudoomiye waaxeedka degmada Wadajir uqaabilsanaa xaafadda Xaawa Taako.
Sida Ay Warsom U Xaqiijiyeen goob joogayaal Ka Agdhawaa Goortii Uu Falkaasi Dhacayay ayaa sheegay in lakhaarijiyay Ninkaani magaciisa lagusoo gaabiyay Burus oo caan ka ahaa degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho.
Illaa iyo haatan wax war ah kama soo bixin Maamulka Degmadaasi Uu Ka Dhacay Falkaani Dilka Ah kaa oo ku aadan mas’uulka saaka laga dilay Degmadiisa.
Xarakada Al- Shabaab ayaa horay u sheegtay in ay beegsanayso cid walba oo la shaeysa Dowlada Soomaaliya Ama gacan saar laleh Iyadoona Falalka Noocaani Oo Kale Ah Mararka Qaar Ay Sheegtaan Masuuliyadiisa.




