Max’ed Cali Americo Danjiraha Soomaaliya ee dlka Kenya ayaa sheegay in uu dadaal dheer ugu jiro sidii hey’adaha gargaarka ee fadhigoodu yahay Nairobi ay ugu soo guuri lahaayeen Dalka Soomaaliya.
Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Ameerico ayaa Sidoo kale sheegay in safaarddu ay dadaal dheer u gashay sidii ay ugu qancin laheyd dadaka ka shaqeeya gargaarka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Nairobi in ay u guuraan magaalada Muqdisho si ay fursad shaqo uga helaan dadka Soomaaliyeed intii qarashkaasi uu ku lumi lahaa dalka Kenya.
Waxa uuna xusay in arrintaasina ay meel wanaagsan u mareeyso Islamarkaana uu la kaashanayo madaxda dalka soomaaliya Iyo Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada Kenya.
Dhinaca kale Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in dowladda Kenya uu kala hadlay in safaardeeda ay Muqdisho dib uga furato, si ay u daboosho baahida dadka Soomaaliyeed ee u safraya dalka Kenya, isagoo tilmaamay indowladda Kenya ay ka aqbashay arrintaasi.
Americo ayaa hoosta ka xariiqayin safaaraddu in ay wax badan ka qabatay dhibaatooyin farabadan oo lagu heyn jiray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, isagoo tilmaamay in kuwa falalka amnidarrada ah ka geysta Kenya aysan aheyn Soomaali taasina waxa lagu ogaaday ayuu yiri qaraxyadii ka dhacay Nairobi iyo Mombasa oo dadkii loo qabtay aysan ku jirin Soomaali Taasina Ay Tahay Wax Lagu Farxo.




