Shacabkii ku noolaa deeganadii laga xoreeyey gacmaha al-shabaab oo galey gacan gaajo,hey’adihii samafalkuna ay u dhaqaaqi diideen.

0
492

Tan iyo intii dagaalka lagu qaadey meelihii ay ka talinjireen xarakada alshabaab ayaa waxaa isu soo taraya cabasho iyo qeylo dhaan ka imaneysa deegaanadii la sheegey in alshabaab lagala wareegey.

Hey’adaha samafalka oo sheegi jirey in gargaar iyo samafal ay meelo badan ka sameyn lahaayeen ay hor istaageen xarakada alshabaab,taas oo maanta u muuqata in ay beenawdey sababtoo ah maanta ayaa loo baahanyahey in ay meel kasta oo ay dawladu gaarto ay la gaaraan waxa ay dadka deegaanadaasi baahi u qabaan,dawlada federalka soomaaliya ayaan aheyn mid hey’adaha la hadasha ama dhihi karta hala caawiyo dadka gargaarka u baahan,waana arin taagnaa ilaa iyo burburkii dawladii dhexe ee soomaaliya.

Cabashadan gaajo ayaa imaneysa iyadoo dawladu la wareegtey deegaano iyo gobollo aad u balaaran taas oo aan laheyn qorshe dadweynaha wax loogu qabanayo ama lagu tusayo in dawladnimadu ka fiicantahey fawdada iyo jabhadeyska,mana muuqato in ay dawladu maanka ku heyso fursadda shacabka loo qaadan karo mar kale.