Dhalinyaro Lagu Eedeeyay Inay Xiriir Lalahaayeen Xarakada Al-shabaab Oo Maanta Ciidamada Nabad Sugida Ku Soo Bandhigeen Gobalka Shabellaha Hoose.

0
512

Howgal ay sameeyeen Ciidamada Dowlada Soomalaiya ayaa waxaa lagu sooqab qabtay dhalinyaro lala xiriirinaayo in ay katirsannyihiin Al-Shabaab kaas oo ay kasameeyeen Ciidamadaan Dagamada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dhalinyarada lagu sooqab qabtay Howgalkaan ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 3-dhalinyaro ah kuwaas oo lasheegay markii lasooqabanaayay in ay wateen Baskoolado.
Intaasi kadib Ciidamadii sooqab qabtay dhalinyaradaan Su,aalo ay weeydiiyeen kadibuu mid kamid ah uu qirtay in uu yahay askarikatirsan Al-Shabaab halka labada kalana ay kasoo horjeesteen in nay katirsan yihiin Al-Shabaab.
Waxaana dhamaan ragaan ay ku eedeeyeen Ciidamada Dowlada in ay yihiin Al-Shabaab iyagoona carabka ku adkeeyay in ay yihiin amiiro katirsan Al-Shabaab kuwaas oo markiilasoo qabanaayay ay wateen Baskoolado.

Taliyaha Hay”ada Nabad Sugida ee Gobolka Banaadir Qaliif Axmed Ereg oo halkaasi kula hadlay Saxaafada aya awaxa uu sheegay in ayqaarkood cadaatay in ay yihiin rag katirsan Al-Shabaab islamarkaana markii ay gacanta kusoodhigaayeen ay wateen Hub.

Si kastaba ha ahaatee qabasha dhalinyarada ay soo qabteen ciidamda nabad sugida ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xilli Amaanka gobalka sh/hoose ay gacanta ka sii bexeyso halka maamulka gobalkaasi ay dhankooda sheegayaan in iminka leesku haleen karo guud ahaan amaanka Gobalka shabellaha hoose.