Iyadoo beryahan la maqlayey weerar afka ah oo ay labada maamul saxaafada isu marinayaan ayaa waxa ay labada maamulba muujiyeen in aysan habooneyn colaad waqtigan loo gurbaantumo,waxaana afhayeenka galmudug oo warbaahinta la hadley uu qirey in isfaham iyo iskaashi loo baahanyahey oo aysan meesha qaban dagaal iyo wax kala jiidasho aan micno laheyn.
Dhanka kale afhayeenka xibin iyo xeeb ninka lagu magacaabo cumar hagafeey ayaa isna sheegey in waligoodba ay ogaayeen in leysu baahanyahey labada maamul galmudug iyo xibin iyo xeeb waxaa sugaya gobolada dhexe oo dhan,waxaana loo baahanyahey in aan wada suuragelino wixii gobolada dhexe oo dhan ay ka faa’iideysan lahaayeen,aysana walaalahood diideyn hadii ay jidka walaalka iyo iskaashi soo maraan.
Ugu danbeyntiina hadalkan labada maamul ayaa imanaya xili beryahan laga cabsi qabey in dagaal labada maamul u dhaxeeyaa uu qarxo,kadib markii cabdi qeybdiid oo aan cidna wargelin laga celiyey in uu booqdo dekedda HOBYO.




