Waxaa halmar lagu soo baraarugey rasaas nuuc walba leh oo leys weydaarsanayo,taas oo lagu sheegey dagaal u dhaxeeyey xarakada alshabaab iyo ciidamada huwanta soomaaliya.
Wararka ayaa intaa ku daraya in xarakada alshabaab ay weerarka soo qaadeen halka ciidamada huwantu ay isdifaacayeen iyadoo labada dhinacba ridayeen rasaas aan loo meel dayeyn,goobta lagu dagaalamayana ay tahey magaalo dhexdeed,mana aha markii ugu horeysey oo sidan oo kale rasaas dhega jebis ah leysu adeegsado.
Weerarkan ayaa imanaya xili xarakada alshabaab ay isbedel ku sameeyeen maamulkooda gobolka banaadir,lamana oga qasaaraha ay geysteen dagaaladan ka dhacey dharkeynley iyo kaxda oo waqti kooban socdey.




