Wasiir ka Tirsanaa Xukuumadii Cumar C/Rashiid oo isku Badalay Wariye U Shaqeeya Farmaajaha Soomaali Ameerikaanka ah
Posted On:
Tuesday 26 April 2011 (Warsom) Mogadishu
Wasiirkii hore ee warfaafinta Eng: C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo ah Soomaali ingiriis xillina noqday wasiirka lacagta ee dowladdii Cumar C/rashiid ayaa iminka noqday wariye u shaqeeya R/Wasaare Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Yariisow ayaa saaxadda siyaasadda ku soo galay qaab xoog ah iyo qaba qabacsi cad oo loo jeedo wuxuu xilligaasi uu sheegan jiray in uu yahay la taliyaha Madaxweynaha Arimaha quseeya dhanka dibadda waxa uu ka dib noqday wasiirka lacagta wuxuu sidoo kale noqday wasiirka wasaaradda warfaafinta hasa yeeshee ayadoo intaas la ogaa ayaa waxaa laga war helay iminka ninkii xilalka wasiirnimo soo qabtay oo wararka Idaacadaha u dhageysanaya R/wasaare Farmaajo waxaana hada uu yahay wariye ka shaqeeya guriga Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) waxaana dad fara badan ay is weydiinayaan waxa ku qasbay taksiile Yariiso oo Taxi Wada ka ahaa Dalka Engiriiska waxa ku qasbay in uu noqdo wariye ka shaqeeya Guriga Farmaajo
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641