Xarakada alshabaab oo isku urursadey 3 goobood,sheegeyna in ay dagaal dhan walba ah ku qaadidoonaan wax ay ugu yeereen kufaar kusoo duushey soomaaliya.

0
628

Iyadoo Dhawaan Al shabaab Lagala Wareegay Goobo Farabadan Oo Laf Dhabar U Ahaa Islamarkaana Ay Kala Wareegeen Dowladaha Iskaashanaya Ee AMISOM iyo Soomaaliya Ayaa Waxa Ay Haatan Sheegeen Xarakada Al-shabaab In Ay Si Sahal Ah Ku Soo Ceshandoonaan Goobaha Lagala Wareegay

Saraakisha Sar Sare ee Dhaq Dhaqaaqa Al-shabaab Oo Uu Hogaanka U Hayo Sheekh Muqtaar C/raxmaan Abu Zubeyr Ayaa Haatan Sida Aan Warar Xog Ah Ku Helnay Waxa Ay Ku Suganyihiin Deegaanada Baardheere,Bu.aale Iyo Jilib Iyagoona Ay Goobahaasi Ku Abaabulayaan Sidii Ay Markale Dib Ugu Soo Laaban Leheed Goobaha Ay Kala Wareegeen Ciidamada Huwanta Ee AMISOM.

Xarakada Al Shabab Ayaa Haatan Awoodoodii Hore Sii Wiiqeysaa Maadaama Ay Goobo Istaraatiiji U Ahaa Si Sahlan Kaga Bexeen Balse Sida Aynu Warar Qarsoodi Ah Ku Helnay Ay Sheegayaan In Ay Ku Mashquulsanyihiin Abaabul Ku Aadan Sidii Ay Dagaalo Xoogan Dhanwalbo Kaga Soo Qaadi Lahaayeen Ciidamada AMISOM iyo Dowlada Taagta Daran Ee Soomaaliya.