
Iyadoo in mudo ah leysla dhexmarayey warar sheegayey in m/weyne faroole ku hanjabey in hadii aan ra’iisalwasaare la siin puntland uu ka go’i doono soomaaliya inteeda kale ayaa waxaa maanta kasoo baxey madaxtooyada puntland war madmadow ku jiro oo sheegaya in puntland bal eegeyso sida ra’iisalwasaarahan la magacaabey wax u qeybiyo,marka laga hadlayo deeqaha dunida ka yimaad iyo kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira dhulka hoostiisa ee ciida soomaaliya.
Puntland oo sameysatey gobolo u gaar ah ayaan wax canshuuro ah usoo xareyn dawlada dhexe iyadoo isla markaana xil iyo xoolo doon ah,dawladihii kmg ahaana ku noqotey laf dhuun gashey,hase yeeshee waxey maanta u muuqataa in ay iyaduna raacdey xukuumadihii lagu meelgaarey,leyskana tuurey,sababtoo ah warka c/raxmaan faroole sidan wuu ka caddaan jirey,carabkiisuuna marka hore wax ku weerari jirey,balse aan aragno sida xaalku ku danbeeyo.




