Qarax Qasaaro Geestay Oo Maanta Ciidmada AMISOM Lagula Eegtay Xaafada Suuga Xoolaha Ee Degmada Hiliwaa

0
705


Qarax xoogan ayaa maanta barqadii Ciidamada AMISOM lagula beegsaday Xaafada suuqa Xoolaha Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa Ayaa Waxa Uu Ahaa Miino Nooca Dhulka Lagu Aaso Waxa Uuna maanta barqadii ka dhacay Xarun Ciidan Ay Xaafada suuqa Xoolaha Ku Leeyihiin Ciidamada AMISOM

Ku Dhawaad 3 Ka Tirsan Ciidmdadii Lala Eegtay Qaraxa Ayaa Ku Dhaawacantay Iyadoona Aysan Jirin Wax Dhimasho Ah, Ka Dib qaraxu marka uu dhacay Ayaa rasaas culus furay Ciidamada Dowlada Soomaaliya Oo Meesha Ku Sugnaa weeraray.

Qraxyada Lala Eeganayo Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya Iyo Kuwa AMISOM Ayaa Maalmahaanba ISasoo Tarayay Iyadoona Ay Waqti Walbo Saraakiisha Dowlada Sheegaan In Ay Suganahay Amaanka Goobaha Ay Maamulaan