
Maxamed c/laahi farmaajo oo dad badani maleynayeen in uu noqon doono m/weyne,hadii uu waayana ra’iisalwasaare ayaa isagoon midna heyn nairobi ku laabtey.
Farmaajo oo hore isugu duwdey asxaab ay isku guruub ahaayeen iyo waxoogaa lacag ah ayaa naftu been u sheegtey wexeyna ku tiri hadii aad caruurta iyo naagaha ka hadalsiiso waa adiga m/weynuhu,isla maalintii uu muqdisho yimid markii ay caruurtii iyo haweenki isu yimaadeen ayaa rasaas lagu furey,kadibna isaga ayaa inta lagu timbareeyey shobariiste gurigii uu xamar ka degenaa amiso ugu tagtey loona hanjabey iyadoo looga digey in uu dad danbe isukeeno.
Hamigu waa shey darane maxamed c/lahi farmaajo dawladiisu wey dhisneyd qaar wasiiradiisii kamid ahina wey la socdeen iyadoo lawada hungoobey ayaa nin walba meeshu ka yimid u guryo laabtey,lamana oga in hamiigii wali ku jiro oo ay wax u dhimanyihiin iyo in ay dhabtahey quusta iyo rajo xumada laga soo sheegey in ay ka muuqatey ra’iisalwasaarihii lixda bilood xilka hayey,isagoon liqina laga kiciyey kursigii uu ku fadhiyey.




