Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay kulan la yeeshay saddex murashax oo ka mid ah 11 xubnodod oo lasoo xulay labaatameeyo xubnood oo xilka ra’iisul wasaaraha u taagnaa, iyadoo lagu wado in madaxweynuhu uu ra’iisul wasaaraha ku dhaawaqo 48-da Saac Ee Soo Socoto inta lagu gudo jiro .
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wasaarihii hore ee Soomaaliya, oo ka mid ahaa siyaasiyiintii sida weyn loo filayay in xilkan loo magacaabo Ayaa La Sheegay Xubnaha uu madaxweynuhu ka soo reebay xubnihii isku soo taagay qabashada xilka ra’iisul wasaarenimo ee Soomaaliya inuusan ku jirin ra’iisul.
Murashaxiinta ugu cad-cad ee uu madaxweynuhu la kulmay ayaa waxay kala yihiin: Cabdulqaadir Faarax Shirdoon (Saacid) oo ah ganacsade deggen dalka Kenya, kana mid ahaa xubnihii wax ka dhisay xisbiga Rajo iyo xisbita nabadda iyo horumarka ee uu kasoo jeedo madaxweynaha Soomaaliya.
Cali Ciise Cabdi oo isna ah mas’uul horay uga soo shaqeeyay Bankiga Adduunka isla markaana deggen dalka Itoobiya, waxaana mas’uulkan olole ugu jira inuu xilkaas qabto maamulka Khaatumo oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo.
Cabdulqaadir Cabdi Xaashi wasiirkii qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland, oo ah mas’uul in badan siyaasadda kusoo jiray, waxaana lagu xusuustaa inuu sare u qaaday xiriirka Puntland iyo dalalka kale ee caalamka markii xilkan loo magacaabay.
Xubanahan saddexda ah ayaa waxay ugu cad-cad yihiin 11 xubnood ee madaxweynaha uu kasoo saaray xubnihii tirada badnaa ee damaca uu kaga jiray qabsahada xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.





