“Sh.Cali Dheere” Oohintu horay waxay gaartay Kampala iyo Bunjanbuura Nairobi iyo meelaha ku dhawna way gaari doontaa insha’allaah

0
625


Sheekh Cali Max’uud RAage Cali Dheere. Oo Ah Afahayeenka Guud Ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegtay in ay fashilisay rabitaankii dowladda Kenya ee ahaa in ay si fudud ku qabsato magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Sido Kale ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.Al-shabaab ayaa ugu bishaareeyay Soomaalida inCiidamada Kenya si xun loogu jebiyay dagaalka jubbooyinka
“Cadawgu way ku hungoobeen rabitaankoodi ahaa in ay mujaahidiinta jiiraan oo ay Kismaayo si dhib yar ku qabsadaan muslimiinta waxaan ugu bishaareynayaa in cadawgu lakulmeen dagaal mariir ah, mujaahidiintu sanad ayay la dagaalamayeen cadawga oo dhulka cirka iyo badda ka dagaalamayay”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa soo hadal qaaday kaalinta ay dadka muslimiinta kaga jiraan difaaca shareecada Islaamka wuxuuna sheegay in qabaa’ilada Somaalida muujiyeen diin jaceyl iyo gobanimo ay ku diidanyihiin gumeysiga madoow iyo midka caddaanka ah Sida Uu Sheegay Cali Dheere.

Sido Kale waxa sheegey in xanuunka gaaraya shacabka Somaalida mid lamid ah uu gaari doono shucuubta Afrikaanta ee dowladahooda kusoo duuleen Somaaliya sida Kenya “Oohintu horay waxay gaartay Kampala iyo Bunjanbuura Nairobi iyo meelaha ku dhawna way gaari doontaa insha’allaah” Sheekh Cali dheere.