Qalif Axmed Ereg Taliyaha Ciidamada Hay,adda Nabad Sugida Qaranka soomaaliya ayaa maanta shir jaraa,id u qabtay warbaahinta kaa oo uu kaga warbixiyey howlgalo ay ciidamada nabad sugida ka sameeyeen xaafada suqa xoolaha degmada yaaqshiid ee magaalada muqdisho
Mr Ereg Ayaa Shegay in ay howlgaladaasi ku soo qabteen hub aad u farabadan oo isugu jirto waxyaabaha qarxa iyo biskoolado kuwaasi oo uu sheegay in ay ku dugnaayeen dhulka hortiisa kadib markii ay so sheegeen dad degan xaafadaasina ay gacanta ku so dhigeen
Sido kale taliyaha ciidamada nabad sugida gobolka banaadir ayaa xusay in guriga hubkaasi laga soo helay ay ku sugnaayen wiil dhalinyaro ah iyo xaaskiisa kuwaasina haatan ay ku xeranyiihin xabsi ku yaala gudaha madaxtoyada baaritaana ay ku wadaan qaabka ay gurigoodii looga duugay qalabkaasi
maalmahan ayaa hay’adda Nabad sugida soomaaliya waxa ay si is daba joog ah u soo bandhigayaan Rag,Qalab,iyo waxyaabo kale oo ay sheegaan in ay yihiin falalka amnidarada ka jirta soomaaliya hogaankoodii.




