Al-shabaab Oo Hanjabaad Hawada U Marisay Ciidamo Ay Sheegeen In Ay Dhac U Geestaan Shacabka WFP-na Kaga Digay In Ay Ka Waantoobaan Raashiinka Dhacay Ay U Keenayaan Shacabka.

0
717

Sh.Max’ed Abu-cabdalla Wakiilka Xarakada Al,shabab ee Gobolka
Sh.Hoose
oo
maanta shir jaraa’id qabtay ayaa
ka waramay kormeero uu
maalmihii lasoo dhaafay ku
marayay degmooyinka Jannaale,
Qoryooleey, Buulo-mareer,
Baraawe, Kuntuwaareey,
Awdheegle, Walawayn, Sablaale
iyo Toora-tooroow halkaas ay Haatan Gacanta Ku Hayaan Al shabaab ayu Shegay Wakiilka In Uu
kulamo kula qaadanayay
qaybaha kala duwan ee bulshada
iyo maamulada
halkaas ka arimiya.

Gudoomiyaha G/sh.hoose Ee Ugu Ariminjiray Dhaq Dhaqaaqa Shabaab ayaa sheegay in
waxyaalaha ay sida gaarka ah
ugu kuurgalayeen ay ka mid
ahaayeen Dhibaatada maalmihii
lasoo dhaafay kasoo korortay
wadada isku xirta Afgooye iyo
Marko halkaas oo uu sheegay in kooxo ka
tirsan dowlada ay Isbaarooyin
fara badan soo dhigteen ayna
dadka socotada ah kula kacayaan
boob, dilal iyo kufsi, arintaas oo
ay go’aan kasoo saareen masuuliyinta Sar Sare ee Al.shabaab.

Sh.Abu Cabadalla ayaa dhanka
kale sheegay in hay’ada WFP ay
maalmahan gobolka soo
gelinayso digirta loo yaqaano
“Beebeeshee” oo quruntay, si ay
ugu qiima jebiyaan dalagyada
beeraha gobolka kasoo go’ay,
wuxuuna Abu C/lla sheegay in cid walba oo
arintaas lagu soo helo ay
Mujaahidiintu tillaabo adag oo
sharciga waafaqsan ka qaadi
doonaan sida u sheegay Wakiilkii Al.shabaab U Qaabil Sanaa Gobolka Shabeelaha Hose Abu C/lla.

Hadalkaani Ka Soo Yeeray Masuulkani Ka Tirsan al.shabab Ayaa Imaanaya Xilli Ay Dhaq Dhaqaaqa Shabaab Maalinkii Shalay Aheyd Ka Ruuqaansadeen Magaalada Kismaayo Oo Ay Horey U Sheegeen In Ay Si Sahal Ah Kaga Bixi Doonin Halkaasi.