“Qalif Ax’ed Ereg”Guud Ahaan Amaanka Magaalada Muqdisho Waxaa Sugay 24-kii saac Ee LA Soo Dhaafay Ciidamada Nabad Sugida

0
681

Masuuliyiinta Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Ayaa maanta sheegtay in la xaqiijiyay Amaanka Magaalada Muqdisho 24kii saac ee la soo dhaafayna ay ciidamaa Amaankuna ka hortageen falal Amaanka dhan.

Khaliif Axmed Ereg Taliyaha Ciidammada Nabad Sugidda gobolka Banaadir oo maanta saxaafadda shirjaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Ciidammada Nabad Sugidda Qaranka iyo guud ahaanba Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay 24kii saac ee lasoo dhaafay ay magaalada ka sameeyeen howlgallo lagusoo qabqabtay dad iyo hub Aad u Farabadan.

Mr.Ereg waxa uu tilmaamay in magaalada hada laga hirgeliyey qorshe ay hay’adaha ammaanka ugu talagaleen in lagu xaqiijiyo amniga Caasimadda taasina ay tahay guul laga gaaray kooxaha Falalka Amni Daro KA Wada Dalka SOomaalia

Gabagabadii Ayaa Taliyaha Ciidammada Nabad Sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg waxa uu shacbiga ku nool gobolka Banaadir ka codsaday iney hay’adaha ammaanka ku gacan siiyaan.

Saacadihii Ugu Dambeeyey Ayaa Magaalada Muqdisho waxaa si weyn looga dareemayey howlgallo ay sameynayaan ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayadoo howlgalladaasina lagusoo qabtay Dad Farabadan oo Ay Nabad Sugida Sheegtay In Ay  ka tirsanaayeen Al-shabaab waxaana ay arintaasi durbaba keentay in magaalada laga dareemo isbedel dhanka amniga ah Sida Ay Sheegeen Madaxda Nabad Sugida.