Mr.Jawaari Oo Jawaab Cad Ka Bixiyey Hanjabaadii Baarlamaanka Iyo Xildhibaanada Uga Timid Dhanka Al Shabaab

0
586

Prof.Maxamed Cismaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba niyad-jab aysan ka sameyn falalka dilalka ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho,

Waxa Uu Sidoo Kale Prof.Jawaari  sheegay in xiligan aysan shacabka Soomaaliyeed diyaar u ahayn inay dib uga noqdaan dadaalka ay ugu jiraan sidii wadankooda dowlad rasmi ah uga hirgeli lahayd. Wuxuuna sheegay in marnaba aysan niyad jab ku rideen shacabka iyo Baarlamaanka Soomaaliyeed falalka dilalka iyo weerarada ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Jawaari oo ka hadlayey hanjabaadii  ay shaacisay Dhaq Dhaqaaqa Al shabaab oo ahayd in ay Hal-Hal u dili doonaan dhamaan Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay hadalkaasi mid aan waxna ka bedali doonin hawsha ay Qaranka u hayaan asagoo yiri:”  Hadii dhamaanteen Baarlamaanka xubnaha kamid ah ee 275ta ah la dilo, shacabka Soomaaliyeed waxay soo dooranayaan 275 Xildhibaan oo cusub

Baaqaani Oo Uu Jawaari U Jeedinayo Shacabka Soomaaliyeed Iyo Mudanayaasha Baarlamaanka Ayaa Imaanaya Xilli Dhawaan Gudaha Magaalada Muqdisho Lagu Toogtay Mid Ka Mid Ah Mudanayaasha Baarlamaanka Jaasi Oo Ay Sheegteen Dilkiisa Alshabaab

l