Waxaa isa soo tareysa qasaaraha naf iyo maal ee lagu waayey fatahaadda wabiga shabeele oo ku fatahey afarta xaafadood ee ay ka koobantahey degmada beledweyne.
Sida uu noo sheegey wakiilka gobolka hiiraan ee xisbiga midnimada jamhuuriga xuseen maxamed fiidaw waxaa jira gurmad ay ku hawlanyihiin xubnaha xisbiga ee gobolka waxeyna bulshada soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba aan ka codsaneynaa in loo soo gurmado shacabka reer beledweyne isagoo intaa raaciyey in qasaaruhu sii kordhi doono hadii aan dadka kaalmo lala soo gaarin.
Maahan markii ugu horeysey ee wabigu ku fataho magaalada beledweyne hadana lagama gaashaanto waqtiyada laga hortagi karo sida iyadoo la dheereeyo wabiga darbiyadiisa,taasina maahan mid lagu fekero inta wabigu aanu biyo keenin.