Shiikh Aadan Madoobe Oo Xafiiskiisa Kulan Kula Qaatay Ku Xigeenka Ergayga QM Ee Soomaaliya

0
331

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Marwo Anita Kiki Gbeho oo ah Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya .

Guddoomiyaha ayaa Ku-xigeenka QM ku boggaadisay shaqada uu qabtay Baarlamaanka intii uu socday kalfadhiyadii la soo dhaafay iyo doorkiisa odaytanimada leh uu ka cayaaray dib u heshisiinta dalka.

Sidoo kale waxay kawada hadleen in Barlamaanka ay kala shaqayn doonaan dhanka hormarinta iyo tababarada Xildhibaannada.

Dhinaca kale waxay isla soo hadal qaadeen dhamaystirka Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda iyo dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah.