Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal degay sanadguuradii 25-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay xisbiga oo ku beegan 6-da Agosto, iyadoo xaflad arintaasi ku saabsan lagu qabtay xarunta xisbiga ee magaalada Muqdisho,maamul goboleedyada dalka iyo qeybo badan oo ka tirsan caalamka.
Munaasabadan maanta lagu maamusayey xuska maalinta xisbiga MJS ayaa waxaa ka qayb galay Afahayeenka Midowga Axzaabta Ahna Gudoomiyaha Xisbiga MJS Cali Maxamed Nuux (Timajilic) madax kale oo ka socdsay axzaabta siyaasadeed ee ka jira dalka, abwaano, fanaaniin Suxufiyiin haween iyo qeybaha kale ee bulshada Rayidka.
Munasabadaas waxaa ka hadlay gudoomiyaha xisbiga midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux oo ugu horreyn hambalyo iyo bogaadin uu u diray xubnaha xisbiga meel kasta oo ay joogaan , isagoona ilaah uga baryey in sanadkaan, kiisa kale ay ku garaan bash bash iyo baraare.
Mudane Timajilic ayaa Waxaa uu sheegay in mudadii uu jiray xisbigan uusan ka qayb qaadanin mashaqadii dalka ka dhacday, isagoona amaan iyo boogaadin u diray ciidamada qalabka sida nuucyadooda kale duwan sida ay qawaarijta kaga sifeeyeen deegaanada ay kaga sugnaayeen dalka wuxuuna ugu baaqaya in ay siiwadaan hardanka dalka looga xureenayo khawaarijta.
Halka ay ka dhaceysay munaasabada ayaa waxaa gidaaradeeda lagu xardhay boorar ay ku qornayeen halku dhigyo nabada lagu taageerayo sida, qab iyo qabiil isku raaci weynaye aan Quraanka qaadano, Yaa mudan hogaanka dalka ? Waxaan inagu isu diidnay cid kale u ogolaan meyno, maxkamada aduunka ugu sareyso waa damiirka iyo qalbiga qofka nadiifka ah, Somalidu iyada ayaa isu baahan ee shisheeye uma baahna, guuleyso adoon daadin dhiig walaalkaa, yaa diidan ku dhaqanka shareecada islaamka? Iyo kuwo kale.
Xisbiga MJS ayaa waxaa la aasaasay 6-dii August 1998 dii, xilligaas oo taageerayaasha xisbigaas ay doorteen hogaanka xisbiga hadafka iyo ujeedada loo aas aasay xisbiga ayaa waxauu ahaa in talada la qabto iyadoo aan la adeegsan xoog iyo xabad, laguna kala baxayo doorashooyin Dimoqraadi ah iyo nidaamka xisbiyada badan ee qog codka ah.












