Markab Dagaal Oo Laga Leeyahay Dalka Kenya Oo Markale Duqeymo U Geestay Magaalada Kismaayo Ee Gobbalka Jubbada Hoose.

0
561


Maraakiib nooca dagaalka ah oo la aaminsanyahay inay leedahay dowladda Kenya ayaa shalay subax markale duqeyn xoogan ku garaacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan garoonka diyaaradaha magaaladaasi iyo qeybo kale oo ka mid ah gudaha magaalada Kismaayo.

Gantaalo xoogan oo ay tuurayeen maraakiibta dagaalka Kenya ee shalay duqeynta ka geystay Kismaayo ayaa intoodii badneyd waxay ku dhaceen dhul bannaan, waxaana wararku ay sheegeen in mid ka mid ah gantaaladaasi uu ku dhacay gudaha dekadda Kismaayo, iyadoo aan la sheegin in khasaare uu gaarsiiyey mid ka mid ah dhismayaasha ku yaal marsadda magaalada Kismaayo iyo sidoo kale khasaare nafeed inuu ka dhashay.

Goobjooge magaciisa ka gaabsaday ayaa ayaa warbaahinta u sheegay in Marakiibta dagaalka Kenya ay dhowr gantaal ku soo tuureen magaalada, kuwaas oo ku dhacay xeebta Calanleey iyo garoonka diyaaradaha magaalada, mana jirto ayuu yiri goob-joogaha wax khasaare ah oo ay geysteen duqeyntaasi culus.

Dhinaca kale diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa iyaguna shalay markale duqeyn ka geystay gudaha magaalada Kismaayo oo la sheegay in dhowr gantaal ay ku fhufteen meelo ka baxsan magaalada, lamana sheegin khasaare ka dhashay duqeynta ay geysteen diyaaradaha dagaalka marka laga reebo argagaxgelin ay ku sameeyeen dadka yar ee ku harsan weli gudaha magaalada Kismaayo, waxaana xusid mudan in dadka magaalada Kismaayo iyo tuulooyinka ku dhowdhow ay walaac xoogan ka muujinayaan duqeymaha isbajoogga ah ee ay geysanayaan maraakiibta iyo diyaaradaha dagaalka Kenya.