Cali Xaamud waxa uu doorashadii shirguddoonka ee tan ka horaysay u tartamay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha isaga oo ku guulaystay, isla markaana Faratoon ayaa guddoomiyihii iscasilay ee Cabdirisaaq Khaliif Axmed kula tartamay jagada guddoomiyaha isaga oo ku guulaysan.
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay dhisayso Faratoon oo ay doorashadii horena wadatay, halka xisbiga Waddani uu isna sheegay in uu dhisayo Cali Xaamud, isla markaana xogeeyaha guud ee UCID ayaa sheegay in ay dhisayaan Faratoon, inkasta oo Cali Xaamud uu UCID ka tirsanyahay.
Ururka Kaah oo isna xildhibaano doora ku yeeshay golaha wakiilada ayaa la rajaynayaa in uu taageeri doono Faratoon oo kamid ah hogaanka sare ee ururka doorashada shirguddoonka oo berri barqada qabsoomi doonta.














