Axzaabta Mucaaradka Waddani iyo Ucid oo kasoo Horjeestay Go’aanka Gudiga Dorashada Somaliland.

0
573

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa kasoo horjeestay go’aankii ay guddida doodashooyinku ku mudeeyeen wakhtiga la qabanayo doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada.

Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Khadar Xuseen Cabdi, oo warbaahinta la hadlay ayaaa sheegay in go’aanka guddidu uu dhaawaci doono Somaliland.

“Somaliland waxa ay ku jirtaa marxalad aad iyo aad u adag, go’aanka ay soo saareena waa mid keeni kara dhaawac anay Somaliland kasoo kaban, sidaas daraadeed xisbigu waxa uu si mugleh uga tashanayaa go’aankii uu qaadan lahaa” ayuu yidhi Xogeeye Khadar.

Waxa uu sheegay in xisbigu uu la tashan doono taageerayaashiisa, ururada bulshada iyo cidii ay khusayso isla markaana uu musharaxa xisbigu ku dhawaaqi doono go’aanka rasmiga ah ee xisbiga uu ka qaatay go’aanka guddida.

Go’aanka guddida doorashooyinka ayaa ka horyimid doonistii xisbiyada mucaaradka ee ahayd in doorashada madaxtooyadu soo horayso, dhinaca kale ururada cusub ee siyaasada ayaa soo dhaweeyay go’aanka guddida.

Dhanka,Kale,Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID ayaa si buuxda uga soo horjeestay go’aankii ay guddida doorashooyinku ku mudeeyeen wakhtiga la qabanayo doorashooyinka madaxweynaha iyo ururada.

Warsaxaafadeed uu soo saaray xisbiga UCID, ayaa lagu sheegay in go’aankii guddida doorashooyinku uu ahaa mid sharci daro ah, isla markaana anay sinaba u aqbali doonin.

“Guddida fulinta ee xisbiga UCID waxa ay go’aamisay in go’aankii kasoo baxay garabka Muuse Biixi ee Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka ee ku taariikhaysnaa 17/7/2023 anay si naba u aqbalin go’aanka sharcidarada ah ee waxba kama jiraan ka ah” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.

Waxa uu xisbigu sheegay in guddidu ay iska indhotirtay doorashadii sharciga ahayd ee madaxtooyada, isla markaana ay ku dhawaaqeen doorasho aan lahayn xeerarkii lagu gali lahaa, sida qoraalka xisbiga loo dhigay.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeeda oo faah faahsan:-