In Ka Badan 240 Qofood Ka Soo Goostay Al-shabaab Oo Lagu Soo Bandhigay Xerada Maslax

0
533

Waxaa maanta xerada maslax ee gudaha magaalada muqdisho lagu soo bandhiga dhalinyaro tiradooda gaareyso 240 ruux kuwaasi Ayaaa sheegtay in ay ka tirsanaayeen xarakada al-shabaab islamarkaana haatan u soo goostay dhanka dowlada jamhuuriyada soomaaliya

masuuliyiintii maaanta ka hadashay goobta lagu soo bandhigay dhalinyaradaani sheegatay in ay qeyb ka ahaayeen dagaalyahanada alshabaab ayaa waxa ay sheegeen in ay tahay wax lagu farxo baxsadkaani ka soo cararay al-shabaab iyagoona sheegay in ay haatan garwaaqsadeen in ay dalkoodi wax u qabtaan dhankoodiina ay ka caawindoonaan daryeelkoodii iyo waxbarashada ay mudo dhinac marsanaayeen sida ay sheegeen madaxdii maanta qeybt ka aheyd masuuliyiinta ku sugneed xerada maslax oo dhaliyaradaaani lagu soo bandhigay

sidoo kale waxaa goobtaasi ka hadlay mid ka mid ah dhalinyaradii sheegeen in ay ka soo goosteen al-shabaab ahaana hogaamiyihii horkacayay dhalinyaradaasi isagaoona sheegay in ay ka soo baxsadaan al-shabaab in ay u arkaan arin wanaagsan wuxuuna sheegay ninkii u hadlayay dhalinyaradaasi horey xarakada shabaab in ay ku biiraan waxa sababy inay tahay dowladii TFG-da sida ay wax u qeybineesay inay tahay 4.5 hase yeesshee haatan arinkaasi ay u muuqato in laga gudbay waqtigaan wixii ka bilowdana ay la shaqeyn doonaan ciidamada xooga dalka sooomaaliya

dhalinyaradaani sheegtay in ay ka soo baxsadeen al-shabaab ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xilli ay soomaaliya yeelatay madax weyne cusub una dhalatay dowlad rasmi ah lagana gudbay dowladdii KMG ahayd hase yeeshee kadib madaxweynaha cusub ay amaan daro baahsan soo food saartay qeybo ka mid ah dalka soomaaliya.