Daawo; Isku Shaadheyn Gaalafatey Qaar kamid ah Xukuumadda oo uu Sameeyey R/wasaare Xamze.

0
1217

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa caawa Isku shaandheyn kooban ku sameeyay golihiisa wasiirrada, taasoo saameysay wasiirkii maaliyadda ee xukuumaddiisa.

Raysal wasaare Xamse ayaa Biixi Iimaan Cige ay u magacaabay Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya iyadoo xilka looga qaaday Wasiirkii xilkaas hayay ee Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Sidoo kale, raysal wasaaraha ayaa Saadaan Maxamed Nuur Caliyow u magacaabay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha. Waxaana xilkan laga qaaday kaga qaaday Ilyaas Cali Xasan oo mar soo noqday senotor katirsan aqalka sare.

Abuukar Jeylaani Sheikh ayaa sidoo kale loo magacaabay wasiiru dowlaha Diinta iyo Awqaafta.

Isbeddelkan cusub ayaa kusoo beegmay xilli dowladdu ku howlan tahay tallaabooyin ka dhan ah musuq maasuqa, arrintaas oo galaafatay masuuliyiin badan oo dowladda katirsan.

    

Around The Web