Duqa magaalada muqdisho maxamuud axmed nuur tarsan ayaa maanta ku soo laabtey magaalada muqdisho isagoo kasoo laabtey safar shaqo oo uu ku tegey dalka yugandha magaalada kambaala.
Gudoomiyaha ayaa sheegey in ay u aadeen halkaasi hawlo iskaashi labada magaalo waa kambaala iyo muqdisho’e,isla markaana ay aqoon kororsi ugu helaan shaqaalaha gobolka maadaama buu yiri shaqaalaha gobolka banaadir u baahanyihiin aqoon la jaanqaadi karta casrigan iyo caasimadaha aduunka.
Gudoomiye tarsan ayaa dhawaan ka hirgeliyey magaalada muqdisho baalayaal koronto iftiinka qoraxda ku shaqeeya,olole nadaafadeed iyo mashaariic dib u dhiska magaalada sida wadooyinka xafiisyada dawlada iyo siminaaro aqoonta iyo garaadka kor loogu qaadayo ah waxaana la dhihi karaa waa nin wax ku soo kordhiyey magaalada muqdisho tan iyo intii uu hayey xilka gudoomiya gobolkan banaadir marka laga eego dhinacyo badan weyna ku mahadsanyihiin isaga iyo inta la shaqeysaaba hawlaha ay dalkooda u qabteen ayaanu leenahey.