Maxamed Aadan Edson Oo Maanta Lagu Aasay Nairobi Iyo Madaxda XMJS Oo Tacsi U Diray Eheladii Uu Ka Geeriyooday Qunsulka

0
603

Maxamed Aadan Edson Allaha u naxariistee oo ahaa qunsulkii Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa maanta lagu aasay magaalada Nairobi ee dalka Kenya Iyadoona Aaska Ka Dib Ay Shir Jaraa’id Oo Ay Ugu Tacsiyadeenayaan Eheladii Iyo Qaraabadii Uu Ka Geeriyooday Ku Qabteen Magaalada Muqdisho Masuuliyiinta Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Oo Uu Horkacayo Gudoomiye Ku Xigeen Cali Max’ed Nuux Tima Jilic.

Sidoo Kale Cali Timajilic Sheegey In Ay Umada Soomaaliyeed Meel Waliba Oo Ay Joogaan Kaga Tacsiyadeenayaan Geeridii Ku Timid Edson Isagoona Alle Kaga Baryay In Uu Janadda Fardowso Ka Waraabiyo Eheladii Uu Ka Tagayna samir Iyo Iimaan Eebe Ka Siiyo

Aaska qunsulka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wakiilka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed u Fadhiya Dalka Kenya, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool gaar ahaan magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa,xildhibaanno Baarlamaanka ka tirsan oo Kenya ku sugan iyo diblumaasiyiin ka socda dalal caalamka ah iyo safiirrada Nairobi ku sugan.

Allaha u naxariistee Maxamed Aadan Edson qunsulkii Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ayadoo qunsulkana uu mudooyinkan xanuunsanaa waxaana si loo dabiibo kol hore caafimaad ahaan loogu qaaday magaalada Rome ee dalka Talyaaniga Iyadoona Ka Hor Geeridiisa Dib Loogu Soo celiyay Gudaha dalkaasi Kenya