Waxaa dhawaan la filayaa in uu ka dhaco dalka mareykanka kulanka qaramada midoobey kaas oo ay kasoo qeyb galaan m/weynayaasha ama hugaamiyeyaasha ugu sareeya dawladaha ka tirsan ururka q/midoobey.
Sidaas darteed ayaa hugaamiyaha waqtigan ee soomaaliya prof. Xasan sh maxamuud cadeeyey in aanu ka qeyb geli karin kulankaas hawlo gudaha dalka ah awgood isagoo u diri doona wufuud uu horkacayo ra’iisalwasarihii hore ee aan weli xilka wareejin c/weli gaas iyadoo xaga qaanuunka marka la eego uusan arintaas xaq u laheyn uuna leeyahey kusimaha ra’iisalwasaraha maadaama c/weli gaas ahaa musharax m/weyne.
Dad badan ayaa isha ku haya sida m/weynaha cusubi u dhawro qaanuunka halka m/weynuhu kol horena uu shir jaraa’id ku jeediyey afka ingriisiga iyadoo dastuuriyan xeer gudub ah waayo afka koowaad waa afka soomaaliga maay iyo maxaad tiri wax ka baxsan maay iyo maxaad tiri m/weynuhu kulama hadli karo qaranka doortey hadey dhacdana waa xeer gudub halkiisa ah.