Kulan casho sharaf m/weyne xasan sh maxamuud u sameeyey xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya/latashi ra’iisalwasaare awgeed.

0
597

Iyadoo m/weynaha dhawaan la doortey laga sugayey in uu soo magacaabo ra’iisalwasaare soo dhisa xukuumad dalka hugaamisa ayaa m/weynuhu latashi awgiis casho sharaf u sameeyey xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya.

Sida la sheegayo m/weynaha ayaa soo jeediyey in leyska tuuro nidaamka 4.5ka oo dad badani u arkeen in uusan dalka u wanaagsaneyn balse xildhibaano ayaa ka biyo diidey kuwaasoo isu arka in ay iyagu yihiin kuwa jagada lagala tashanayo isla markaana ay aad u kala jiidanayaan beelaha kursigaasi ka wada dhaxeeyo maadaama m/weynaha beeli heysato,gud.baarlamaankana beel kale heysato.

Dad badan ayaa qaba in 4.5 leyka tuuro balse waxaad moodaa in mararka qaarkood ay wax ku doonayaan kuwii lahaa waan ku dulmannahey oo nooma qalmo in aan bownti five noqono balse waxa ugu weyn ee m/weynaha laga sugayo ayaa ah in uu soo magacaabo ra’iisalwasaare waji cusub la jaan qaadi kara m/weynaha iyo gud.baarlamaanka soomaaliya waxaana la filayaa in m/weynuhu qabto ra’iisalwasaare lagu qanco waqtiyada dhaw ee soo socda insha allaah.