CALEEMA SAARKA MADAXWEYNAHA CUSUB EE SOOMAALIYA PRO.XASAN SH MAXAMUD OO MUQDISHO KA DHACDEY.

0
518

Waxaa maanta oo ay bishan septenber tahey 16/2012 ka dhacdey magaalada muqdisho xaflad caleemasaar si heer sare ah loo soo agaasimey taas oo ay kasoo qeyb galeen madax ka kala socotey dawladaha dariska kuwa afrika,jaamacada carabta,iyo kuwo kale.

Waxaana munaasabada ka hadley m/weynaha dalka jabuti ismacil cumar geele ra,ísalwaraha ithopia ninka la taliya m/weynaha sudan kuwo ka socdey jamacadda carabta turkiga yugandha kenya iyo midawga yurub,iyadoo ay sidoo kale xaflada kasoo qeyb galeen bulshada qeybaheeda kala duwan ciidamada qaranka fanaaniin iyo marti sharaf xaflada lagu casumey.

Ugu danbeyna waxaa xaflada ka hadley m/weynihii hore sh/sharif sh/axmed isagoo ku wareejiyey m/weynaha cusub pro. Xasan sh maxamud dastuurka calanka iyo xilka qaranka soomaaliyeed iyadoo bulshada caalamku ay marqaati ka tahey,iyadoo kusoo gabangabawdey jawi hagaagsan.