Xarakada al-islaax ayaa soo dhaweysey isbedelka iyo m/weynaha cusub ee soomaaliya prof xasan sheekh maxamuud iyadoo ku tilmaantey fursad soomaali u soo hoyatey,xarakada al islaax oo ah xarako aan hubeysneyn ururka ikhwaanul muslimiina u metela geeska afrika iyo somaaliyaba.
Gud. Xarakada al-islaax sh/maxamed axmed nuur garyare oo warbaahinta la hadley isagoo ku sugan hargeysa s/land ayaa sheegey in al-islaax ay aad ugu faraxsanyihiin ayna soo dhaweynayaan lana shaqeynayaan,mar la weydiiyey su’aal aheyd bal in m/weyne xasan sh maxamud ka tirsanyahey xarakada al-islaax waxa uu ku jawaabey in m/weynuhu aanu ka tirsaneyn xarakada balse ay xog ogaal u yihiin in uu yahey qof shaqsiyad wanaagsan dalkana hugaamin kara ayna rajeynayaan in uu dalka ku hugaamin doono caddaalad iyo sinaan.
Shekh maxamed garyare ayaa waxaa wax laga weydiiyey isqarxinta iyo falkii lala beegsadey hottell uu degenaa m/weyne xasan sh maxamuud iyo wufuud ajnebi ah wuxuuna ku jawaabey: ficilkaas waan kasoo horjeednaa shareecada islaamkuna ma qabto in qof naftiisa ku dilo qof kale oo muslim ah waana xaraam ficilka soomaaliya aan ka maqleyno waayahan.
Maahan marki ugu horeysey ee ay al-islaax ka hadasho siyaasada soomaaliya mana muuqan dawr siyaasi ah oo ay hada ka hor ku lahaayeen soomaaliya marka laga reebo in ay gacanta ku hayaan dugsiyo wax barasho ku yaal gudaha dalka soomaaliya.