QARAXYO IS XIG XIGA OO MAANTA LALA BEEGSADEY HOTTELL AL-JAZIIRA IYO AL-SHABAAB OO SHEEGTEY.

0
680

Waxaa maanta oo bisha septenbar ay aheyd 12/2012 markii ugu horeysey lala beegsadey qaraxyo is xig xiga tan iyo markii uu ku guuleystey doorashada m/weynaha soomaaliya prof. Xasan sheekh maxamuud iyadoo xarakada alshabaab ay sheegatey fulinta qaraxyadaas,taas oo muujineysa in alshabaab aaney waxba iska bedelin sida uu cadeeyey afhayenkooda guud sh/cali maxamud raage.

Qaraxyadan oo geystey qasaaro naf iyo maalba leh ayaa waxaa ku dhintey dad kor u dhaafaya 10 qof oo kala ah 2 askeri amisom ah,3 ciidamada somaaliya ah,3 rayid ah iyo 3 aan la garan karin cida ay ahaayeen uu u muuqda in ay ahaayeen naftood hurayaashi is qarxiyey,mana aha kuwa bilaw ah qaraxyadan ee in badanba aad ayey uga jireen qaraxyadan oo kale gudaha soomaaliya.