Iyadoo ay hal Sano kasoo Wareegtay Markii M/weyne Xasan Sh Maxamuud loo Doortey M/weynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya 15 may 2022 ayaa waxaa la arkayaa Ciidamo Fara badan oo magaalada Waddooyinkeeda Lasoo Dhigay iyo Agagaarka Madaxtooyada oo Si weyn loo ilaalinayo.
Mudadii Halka Sano aheyd ee M/weyne Xasan Sheekh uu Xafiiska joogay ayaan wali la wada gaarin Qodobadii uu Siyaasad ahaan Ololaha doorashada uu ku Galey sida Ciribtirka iyo La dagaalanka Al-shabaab oo weli ku Sugan Qeybo kamid ah Gobolada Dalka,dhaqaalaha iyo Siyaasadda ayaan iyaguna Deganeyn in kastoo M/weynuhu Safarro badan uu ku tagey dalal badan oo Caalamka kamid ah.
“Soomaali Heshiis ah Dunidana Heshiis La ah” ayuu Ahaa Halku dheggiisii Ololaha Doorashada,waxaana hal sano kadib muuqata in uu soo noqdey Cilaaqaadka wadamo ay siyaasad ahaan Soomaaliya kala taagnaayeen Sidoo kale waxaa Muuqanaya Khilaaf u dhaxeeya dawladda Federalka iyo Maamulka Puntland kaas oo muhimadiisa Gudaha leh.
Waxaa uu Mweynuhu Saxiixey ilaa dhawr iyo Toban Xeer oo Qaarkood Aminiga la Xiriiraan kuwaas oo golayaasha Barlamaannadu Soo Ansixiyeen,waana Midda keliya oo la oran karo Degenaashaha iyo Nabadda Caasimadda ayey Gogol xaar u ahaayeen marka Laga Reebo Ciriiriga iyo Cunaqabteynta ay u Geysteen Argagixisada Al-shabaab.
Dhanka Dimuquraadiyadda iyo Talaabo Qaadka Diiwaan gelinta Muwaadiniinta,Dhaqaajinta Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Abaabulka Axzaabta Dalka ayaa Weli Dhutineysa marka laga reebo in M/weynuhu dadka ugu Laab Qaboojiyey in aan la Aadi doonin Mar Danbe Teendhadii Afisyoone.












