SOOMAALIYA OO TALAABSATEY DOORATEY M/WEYNE CUSUB 4TA SANO EE SOO SOCOTA INSHA ALLAAH.

0
481

Soomaaliya ayaa waxey u muuqataa mid hal talaabo hore u qaadey iyadoo lagu yaqaaney in ay is muquuniso ayaa maanta cod lagu kala baxey leysuguna hambalyeeyey in kastoo aan la oran karin meeshu wey khiyaano la’eyd hadana waa laga afgobaadsadey.

M/weynihii hore sh/sharif sh/axmed ayaa khudbad aad loola dhacey jeediyey isagoo kaftan ku muujiyey balan xumo xubnaha baarlamaanka ah,hadana ma muujin wax colaad ah, dhanka kale m/weynaha cusub prof. Xasan sheekh maxamuud ayaa nin u muuqdey ahaa sidii guusha oo uu sii ogaa ayaa isna muujiyey kalsooni uu u hayo m/weynihii hore sh/sharif sh/axmed si kastaba ha ahaatee soomaaliya ayaa u muuqata mid talaabo hore u qaadey iyadoo laga filayo m/weynaha cusub mid shacabku ku diirsado oo daryeesha danyarta,aan ka oohin dadka rayidka ah balse ka fekerta sidii dalka dib loogu dhisi lahaa shaqana loogu abuuri lahaa dhalinyarada iyo xirfadleyda si looga gudbo waqtiyo qalafsan oo dalkan somaaliya soomarey.