WA

0
504

Waxaa goor dhaw ku geeryoodey allaha u naxariistee aas aasihii xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed,ahaana ruug cadaa siyaasadeed ex safiir dalal badan oo aduunka ah somaaliya u fadhiyey Dr axmed maxamed darmaan,isagoo goor dhaw ku geeryoodey dalka mareykanka gobolka verginia fairfax hospital kaas oo uu beryahan xanuun u jiifey.

Allaha u naxariistee dr darman ayaa dhashey 1930ki isagoo waxbarashadiisii hose/dhexe iyo sareba ku qaatey dalka gudihiisa dalka talyaaniga ayuu jaamacada ku qaatey kuna taqasusey siyaasada iyo sayniska,wuxuu 1960 safiir kuxigen ka noqdey Q/midobey isagoo safiir buuxana kasoo noqdey dalal ay ka mid yihiin ethoupia,tanzania,yemen,china iyo kuwo kale.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa ifka kaga tegey labo caruura iyo ilmo ay sii dhaleen iyo hal xaas,wuxuu ahaa aabihii aas aasihii xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed nin furfuran muslim ah naxariistii eebbe haku siiyo ayaan leenahey dadki qaraabadi iyo ehelki uu baxeyna simir iyo iimaan alle haka siiyo> A A M I I N.