XISBIGA MIDNIMADA JAMHUURIGA SOOMAALIYEED OO DIGNIIN U SOO JEEDIYEY SAFIIRKA DALKA INGIRIISKA U FADIYA SOOMAALIYA

0
496

Kulan deg deg ah oo ay galabta ku yeesheen gudiga fulinta xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed uuna shir gudoominayey kusimaha gud xisbiga ahna gudkuxigenka xmjs md cali maxamed nuux timajilic ayaa waxaa lagaga hadley halka ay marayaan iyo sida ay u socdaan doorashooyinka la filayo in ay maalinta isniinta ka dhacaan gudaha magaalada muqdisho.

Waxaana xubnaha gudiga fullinta xmjs ka codsadeen xubnaha baarlamaanka in ay alle ka baqaan doortaana si caddaalad ah nin ay ku yaqaaniin diin,wadaniyad,dhageysta shacabka iyo waxa ay rabaan,ka gudbin kara dalka qabyaaladda, takoorka,eexda iyo musuqmaasuqa,isla markaana dhiiri geliya nidaamka axsaabta badan kaas oo ka qeyb qaadan kara isdhexgalka bulshada iyo doorashada xorta ah.

Dhanka kale xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed ayaa digniin u soo jeediyey beesha caalamka (international community) gaar ahaan safiirka dalka ingriiska u fadhiya soomaaliya iyadoo looga digey faragelin iyo isku day qaladay ku hayaan hanaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka soomaaliya,safiirka dalka ingriiska u fadhiya soomaaliya wey ka baxsantahey dublamaasiyada iyo istixgelinta waxa uu ku guda jiro safiir matt shirka maanta waxa uu ka sheegey waa xad gudub uu u geystey dadka iyo dalka soomaaliya waana lagula xisaabtami doonaa,umana baahnin hadaan soomaali nahey cid kasoo horjeeda heshiisyadeena oo rabta kala fogaanshaheena,ayuu yiri timajilic oo warbaahinta la hadlayey,isagoo intaa ku darey in soomaalidu wixii ay doortaan waa in la taageero lagana fogaado faragelin iyo kala dilaalidda musharaxiinta dhawraana habsami u socodka doorashooyinka ayuu ku soo gabangabeeyey gud. kuxigenka xmjs cali timajilic.