Waxaa maanta khudbado ka hor jeediyey toban musharax oo ka mid ah 25ka musharax ee buuxiyey shuruudihii looga baahnaa musharaxa doonaya in uu noqdo m/weynaha somaaliya 4ta sano ee soo socota hadii alle idmo.
Musharaxiinta hadley ayaa waxey kala yihiin:
cumar salaad cilmi
salaad cali jeelle
maxamed c/lahi farmajo
c/weli maxamed gaas
sh/sharif sh axmed
max’d c/lahi oomaar
c/lahi axmed cadaw
xuseen khaliif
max’d axmed jamac
prof.axmed ismaciil samatar.
Musharixiitan ayaa dhamaantood soo bandhigey khubado ay soo diyaarsadeen kuwaasoo taabanayey waxa musharax walba uu maanka ku hayo ama uu isleeyahey waad ku hanan kartaa codka xildhibaanada baarlamaanka federalka soomaaliya,m/weyne sh shariif ayaa sheegey in uu waayo aragnimo fiican heley 3di sano ee uu shaqada hayey meel fiicana ay hada wax u marayaan hadii afarta sano ee soo socotana uu halka uu maanka ku hayo uu gaarsiin doono qof kasta oo soomaali ahina uu codkiisa ku dooran doonaan dawlada imandoonta afar sano kadib hadii eebbe idmo.